Madaxweynaha Puntland oo Sheegay in Maamulkiisa uu Guulo Ka Gaaray Dhinaca Amniga Sanadkii Dhamaaday +Sawirro

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta 01 January 2016 ugu hambalyeeyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka reer Puntland iyo shucuubta caalamkaba dhalashada sanadka cusub awgeed ee 2017-ka.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa illahay uga baryey ummadda Soomaaliyeed in ay sanadkaan sanadkiisa bash-bash iyo barwaaqo ku gaaraan, sido kalena eebbe uga dhigo sannad Soomaaliya u horseeda horumar iyo dawladnimo wanaagsan.

‘’Waxaan hanbalyo u dirayaa farxadana la wadaagayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kastay joogaan , waxaan ilaahay inooga rajaynayaa inuu sanadkan inooga dhigo mid Soomaaliya u horseeda horumar iyo dawladnimo wanaagsan’’ ayuu yiri Madaxweynaha  Puntland.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaar ah ugu hanbalyeeyey shacabka reer Puntland meel kastay joogaan, ilaahayna uga baryey in uu sanadkaan cusub uga dhigo sannad horumar.

‘’ Sidoo kale waxaan hanbalyo u dirayaa shacbka Puntland meel walba ay joogaan, waxaana ilaahay inoo waydiinayaa inuu sanadkan khayrkiisa ina waafajiyo inoogana dhigo mid horumar dhanwalba leh u horseeda Puntland” ayuu yiri Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .

Ugu danbayn , Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland guulo weyn ka gaartey qorshayashedii sannadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka, isagoona ugu baaqay Madaxweynuhu guud ahaan shacabka reer Puntland inay lashaqeeyaan laamaha ammaanka ee habeen iyo dharaarba u heellan sugidda nabadda iyo xasilloonida gaamurtey ee ay ku naaloonayaan shacabka Puntland.

–DHAMMAAD—

img_1149 img_1155 img_1156

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here