Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada Soomaliya oo Kusoo Baxday Doorashada Golaha Shacabka

0

Fowsiyo Yuusuf Xaaji aadan oo horey usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibada  Xukuumadda Soomaliya ayaa kamid noqotay Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya ee ka imaanaya Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land.

Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf xaaji aadan ayaa ka guuleysatay xubnaha kala ah  Caasho aadan Yuusf, ismaaciil Xasan Jaamac,Qaasim Ismaaciil Axmed, oo dhamaanba kuwada tartamayay Kursiga Habar Yoonis, Cabdala ismaaciil, waxayna heshay 45-cod.

Dhanka kale Ridwaan Xaaji Maxamed ayaa kusoo baxay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee haatan ka socota magaalada muqdisho, Ridwaan  oo helay 46-cod waxa uu ka guuleystay musharixiintii la tarmayay oo kala ahaa Baarliin Xasan Qalinle,Shukari Faarax Cilmi, cabdifitaax Ismaaciil Taahir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here