Nin Soomaali ah oo Xil Sare Looga Magacaabay Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay

0

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay War ay soo saartay ayay ku sheegtay in Axmed Shire Warsame oo ah muwaadin Soomaliyeed loo magacaabay Agaasimaha La-Tacaalidda Gurmadka Degdegga ah ee UNHCR.

Axmed Shire Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo xilka loo magacaabay oo  ah wakiilka Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay  u fadhin doono koonfurta dalka Suudaan.

Waxa uu sheegay Axmed Shire Warsame in uu kasoo shaqeeyay wadamo badan oo qaarada afrika  iyo asia ku yaala sida Pakistaan, Afganistaan, Uganda, Kenya, iyo Ethopia islamarkaana dadaal dheeri ah uu sameeyay kadib loo gartay in loo magacaabo Agaasimaha La-Tacaalidda Gurmadka Degdegga ah ee Hya’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Mar wax laga weydiiyay Axmed Shire madaama loo magacaabay Agaasimaha La-Tacaalidda Gurmadka Degdegga ah ee UNHCR, waxa uu u qaban doono dadka Soomaliyeed  ee Qaxootiga ah uu isaga kasoo jeedo.

“Madaama aan ahay muwaadin Soomaliyeed waxaan balanqadaayaa in si deg deg loo garab istaago dadka qaxootiga ku ah qaar kamid ah wadamada Caalamka, islamarkaana loo fududeeyo waxa ay u baahan yihiin”, ayuu yiri Agaasimaha La-Tacaalidda Gurmadka Degdegga ah ee UNHCR Axmed Shire Warsame.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here