Xildhibanada Baarlamanka Cusub ee dowladda Soomaliya ayaa maanta kulankooda Labaad ku yeelana Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho
Kulanka Labaad Kalfadhiga Kowaad ee baarlamanka Federaalka Soomaliya waxaa shir gudoomin doona Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Soomaliya Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore kadib markii uu dhawaan noqday ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada cusub ee Soomaliya.
Kulanka maanta ayaa laga wadaa sida wararka ay sheegayaan in lagu magacaabo guddiga doorashada guddoomiyaha baalamaanka Federaalka Soomaliya iyo ku xigeenadiisa iyo weliba guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale Xidlhibaanada Cusub ee Baarlamanka Soomaliya ayaa lagu wadaa in kulankooda ugu doodaan in waqti loo qabto doorashooyinka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo weliba doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

