Dhageyso:- Meydad Maanta Lagu Soo Bandhigay Degmada Afgooye+Sawirro

0

Waxaa warar dheeraad ay ka soo baxyaan qasaaraha ka dhashay weerar al shabaab ay gelinki danbe ee shaley ay ku qaadeen degmada afgooye ee gobolka shabeellaha hoose.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala degmada afgooye ayaa soo bandhigay maanta Sadex ruux oo Meydad ah waxana dhamaantood ay ahaayeen rag.

Taliyaha Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Dhame Amiin Maxamed Xuseen oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in maanta afgooye ay ku soo bandhigeen sadex nin oo meyd ah sida uu sheegayna ka tirsana a al shabaab.

Taliyaha ayaa  sheegay in raga maanta ay soo bandhigeen lagu dilay dagaalki xoogana ee shaley ka dhacay gudaha degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

Weli al shabaab wax war ah ma aysan ka soo saarin ragaan maanta meydadkooda lagu soo bandhigay degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

2-16 3-12 omar-640x360

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here