Taliska Ciidamada amisom ee soomaaliya ayaa marki ugu horeysay ka hadlay sawir muujinaya askari ka tirsan ciidamada amisom oo baaraya Askari ka tirsan ciidamada booliska soomaaliyeed.
Amisom war kooban oo bartoodada Twitterka waxa ay ku sheegeen in wax lagu farxo ay tahay biseylka howlkarnimo oo ay muujinayaan ciidamada booliska soomaaliya askariga labaaranayana waaa qyb kamid ah sugida amniga sidaa wxaa lagu yiri qoraalka Amsom ay ku soo qoreen Twitterka.
Amisom waxa ay sheegtay in dadaal dheeri oo xaqjiijin amni ay wadaan ciidamada soomaaliya waxana amisom ay tilmaamtay in askariga soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadkiisa qaran ay aad u soo dhaweyneyso.
Dadka soomaaliyeed ayaa mudooyinki la soo dhaafay si weyn u hadal hayay sawirka askari ka tirsan ciidamada amisom oo la baarayo islamarkaana uu baarayo askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladda soomaaliya gaar ahan kuwa booliska.


