Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa amar ku bixiyay in Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida loo diro deegaanada Galbeedka Jubada Hoose halkaas oo dagaalo ay maalmahan ku dhex marayeen Dadka deeganka oo la hubeeyay iyo Kooxda Al-Shabaab.
Cutubyadii ugu Horeeyay ee katirsan Ciidamada qalabka sida ayaa gaaray deeganada ay maalmahii lasoo dhaafay dadka deeganku kula dagaalamayeen Al-Shabaab si ay u garab istaagan dadka xoolo dhaqatada ah.
Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in Howlgalkaan loogu go’leedaha sidii dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab loogu saari lahaa tuulooyinka iyo deeganada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubooyinka.





















