Xafladda Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa wali ka socota Xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Amaanka wadooyinka gala Xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa lagu arkayaa Ciidamo kala duwan oo ka Tirsan Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM.
Waxa ka qeyb galaya Xafladda Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal madax ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya, sii haya Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawari, gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban abuukaate Cumar Maxamuud Cabdule(Dhagey), Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ibraahim iidle Suleymaan
Haatan waxaa la dhaariyay xildhibaano gaaraya 30-mudane oo aqalka Hoose iyo Sare ee Baarlamanka Soomaliya,xildhibaanada Maanta la dhaariyay waxaa kamd ah Cumar C/rashiid Cali Sharmarke Raisulwasaaraha waqtigiisa uu dhamaaday.

