Beesha Caalamka oo Walaac Ka Muujisay Xubnaha Lagu kordhiyay Aqalka Sare

0

Qaramada Midoobay, midowga Africa, midowga yurub, urur gobaleedka IGAD, Belgium, Italy, Netherlands,swedan , Boqortooyada Ingiriiska iyo dowlada  Mareykanka ayaa aad kaga walaacsan go’aankii hogaamiyayaasha madasha wadatashiga qaran ay gaareen  kaa oo ahaa in 18 kursi  in lagu kordhiyo xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Federaalka Soomaaliaya taa oo la soo saaray 24 decemeber 2016-ka.

Waxa ay sheegeen dhaarinta xildhibaanada maanta in ay tahay talaabo horay loo qaaday si doorashada hanaan sax ah ay ugu dhamaato.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa sheegay in  ay walaac xoogan ka muujinayaan ku xadgudubka dastuurka Soomaaliya ee aan dhameystirneen kaa oo qoraya in 54 kursi loo ogalyahay xubnaha aqalka sare waxaana ay sheegeen kordhinta xildhibaanada in lagu dari karo kadib marka ay baarlamaanka ay  doortaan  Madaxweynaha Cusub iyada oo la ilaalinaya hanaanka Dastuurka dalka.

Bessha caalamka waxa ay si weyn u aaminsntahay in natiijooyinka doorashada ay ku soo baxeen caga-jugleyn musuq-maasuq, rabshado kala duwan oo loo geestay ergooyinka waxa dooranayay iyo kaalintii haweenka ku lahaayeen doorashada , iyga oo xusay in aan laga turxaan bixin 24 kursi oo ay aaminsanaayeen in ay ku soo baxeen musuq-maasuq halka 11 kursi oo kaliya uu laalay gudiga xalinta Khilaafaad-ka doorashooyinka iyaga oo intaa ku daray in lala xisaabtami doono dhamaan cid kasta uu ku lug lahaata isdaba-marin iyo musuqmaasuq ka dhan ah hanaanka doorashooyinka dalka ka dhacday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here