Wasaaradda difaaca dowlada Kenya ayaa sheegtay in loo baahan yahay miisaaniyad dheeri ah si tababarada iyo tayada ciidanka kenya kor loogu qaado taa oo dhan 7.3 million oo shilinka kenyatiga ah oo loogu tala galay sanadka 2017-ka.
Wasiirka Wasaarada Difaaca Ndung’u Gethenji ayaa u sheegay baarlamaanka Kenya in tani ay fududeyn karto in Ciidamada dowlada Kenya ay howlgalo dheeri ah qaadaan isla markaana ay difaacaan nabad galyada dalka Kenya.
Ndung’u Gethenji oo ah hogaamiyaha golaha qaranka ayaa sheegay in gudiga difaaca ay kula taliyeen Xukuumadda in 7.3million oo shilinka kenyatiga lagu saa’idiyo miisaaniyada sanadka soo socda.
General Joseph kasaon oo ah ku-xigeen-ka wasaarada difaaca ee dalka Kenya ayaa dhankiisa waxa uu tibaaxay kobaca dhaqaalaha iyo sare u qaadista nabad iyo amaanka in loo baahanyahay marwalba si joogto ah in loo dardargeliyo.
Waxaa sidoo kale la sheegay in horay wasaaradda 9.9 billion ay u qoodeensay miisaaniyada ciidamada Kenya si ay ola dagaalamaan Xarakada al shabab.
Ciidamada Kenyan-ka ayaa yimid Soomaliya sanadii 2011-kii si ula dagaalamaan dagaalyahada Xarakada Al shabaab waxaana dalka Kenya uu wajahay weeraro lagu qaaday goobaha dalxiiska loogu tago iyo dilka loo geesto ajaanibta iyo shaqaalaha caalamiga ahi.
Guddigan soo gudbiyay miisaniyadan cusub ee loo raadinayo ciidamada Kenya ayaa sheegay in Kenya xaalad adag ay ku jirto kuna sugan tahay heer Qatar ah waxaana ay cadeeyeen dhaqaale aad u fara badan in lahelo si ciidamada loo howlgaliyo.

