Wararka ka imaanaya Tuulada Feer-sagaaro ee Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolada Jubada Hoose ayaa ku waramaya in halkaas lagu gowrcay 16-ruux oo Xoolo dhaqato ahaa.
Gowraca dadkaan ayaa lagu eedeeyay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, kadib markii ay dadka ka biya diideen in ay Xoolaha ay dhaqdaan ay ka bixiyaan Sakawaad oo shabaab ay ka qaadaan dadka ku nool goobaha ay ka arrimiyaan.
Dhanka kale dagaal xoogan oo u dhaxeeya dadka xoolo dhaqatada ah, iyo Ciidamada Maamulka Jubba-land oo inkaashana iyo shabaab ayaa goordhaweyd ka bilowdayuulada yaaq-bishaaro ee Galbeedka Magaalada kismaayo ee caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land.
Dhaqdhaqaaq Ciidan ay sameynayaan Ciidamada Maamulka Jubba-land ayaa haatan laga dareemayaa Gudaha Magaalada Kismaayo.
Maalmihii dambe dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool Galbeed Magaalada Kismaayo iyo shabaab ayaa halkaas ku dagaalamayay, waxaa dagaalka ku biiray Ciidamada Maamulka jubba-land oo dadka xoolo dhaqatada ah caawinaya.

