Dagaalyahanada Shabaab oo Buux Dhaafiyay Deegaano Hoos Yimaada Degmada Beled Xaawo

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay buux dhaafiyeen deegaano hoos yimaada Degmada Beled Xaawo ee Gobolkaas.

Mid ka mid dadka deegaanka  Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa idaacadda Simba u  xaqiijiyay in Shabaabku ay dhulkaasi  galeen saacadihii ugu dambeeyay, islamarkaana  ay wataan hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxa uu hadalkiisa  intaas daray qofka halkaas ku nool  in ay la wareegeen shabaab-ka gacan ku haynta deegaanada Harow, Salax Cadaawo, Qal-qaley, Kamoor Waraabey, Handhar, Farda Jiirow Irida, oo dhamaan hoos yimaada degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Cabsi xoogan ayaa xiligaan soo wajahday dadka ku nool Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo oo ka cabsi qaba in halkaas ay ku dagalamaan Ciidamada dowladda Soomaliya, kuwa Kenya iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here