Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa Magaalada kula kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka, ee laga soo doortay deeganada maamulka Jubbaland.
Riisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke , ayaa kala hadlay labada aqal ee laga soo doortay deeganada Maamulka Jubba-land sidii ay taageero u siin lahaayen, maadaama uu ka mid yahay murashixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Risul Wasaaraha, ayaa ka codsaday Xildhibaanada Labada Aqal in codkooda ay siiyaan, si dalka wax badan ugu qabto. Wuxuuna ballanqaaday haddii uu ku guuleysto qabashada xilka madaxtinimada dalka in uu wax badan qaban doono, isla-markaana uu khibradiisa kaga faa’iideynayo dalka.
C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare, ayaa soo dhaweeyay codsiga Ra’iisul Wasaare Sharmaarke, isagoona ka dhawaajiyay in Soomaaliya u baahan tahay is bedel hogaamineed.
















