Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Maamulka Puntland, oo ka hadlayay dilalka ka dhaca Magaalada Boosaaso ayaa ku eedeeyay laamaha Amaanka magaaladaas in ay dayaceen amniga, islamarkaana maxkamad ay la tiigsan doonaan.
Gudoomiyaha, Korneyl C/fitaax Xaaji Aadan, oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maxkamadda Ciidamada Puntland, Korneyl C/kariin Xasan Firdhiye lagu dilay maanta meel ay ka ag-dhawaayeen ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari, isla-markaana aanay ka jawaabin.
“Waxaa nasiib-darra ah meesha lagu dilay Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maxkamadda Ciidamada Puntland, Korneyl C/kariin Xasan Firdhiye , waxaa la yiri niman askara oo ciidana baa fadhiyay, kuna dhawaa, Nin askariya oo qori iyo dareys sita oo hortiisa nin masuul ah lagu dilayo, waxaan u sheegaynaa oo ogeysiinaynaa inaan maxkamad soo saarayno.” ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Maamulka Puntland Korneyl C/fitaax Xaaji Aadan.

