Waxaa bayaan soo saaray Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyadoona ka hadashay ha’yada dabaal dega maalmaha Ciida Kirismiska.
Mas’uuliyiinta Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxa ay soo saareen bayaan ka koobnaa dhowr iyo 10 Qodob,
Waxaana bayaanka ay kaga hadleen dabaal degida Ciida Kirismiska iyo waliba in la xuso sanadka cusub.
Bayaanka a Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn waxaa loga digayay dadka ku nool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka in ay ka fogaadaan in ay u dabaal degaan Ciida Kirismiska, maadaama aan nahay dad Islaam ah.
Bayaanka ay soo saartay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan.

