Shacabka Puntland oo Lagu Eedeeyay In Aysan Sheegin Raga Dilalka Geysta+Dhageyso

0

Taliyaha Ciidanka BooliskaPuntland  sareeyo guuto Cabdiqaadir Shirre Faarax (Ereg) oo maanta Howlo shaqo ku tagay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa shacabka Magaaladaas ugu baaqay in la shaqeyaan Hay’addaa amaanka sida loogu guuleystay waxa uu ugu yeeray Cadowga Puntland.

Taliye Cabdiqaadir Shirre Faarax (Ereg)  Taliyaha Cidanka Booliska Maamulka  Puntland ayaa sheegay haddii ay shacabka la shaqeeyaan ciidanka oo ay usoo gudbiyaan macluumaadka dambiilayaasha in lagu guulaysandoono kooxaha argigixisada ee ku howlan inay wiiqaan amniga Putland.

“Maalmahaan waxaa socda falal argigixiso ilaa hadda labo meel ayuu ka dhacay, meelaha ay ka dhacayeen waxaa joogay dad shacab ah oo awood u yeelan waayay inay gartaan dadka falkaas sameeyay, xitaa haddii ay wajiyadooda aqoon karaan wax fiican ayay ahaan lahayd, waxaad ogaataan hadaan sheegin kan dilaaya Mas’uulka iyo shacabka in adna maalinkaaga ayuu ku dili doonaa”, ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliskaPuntland  sareeyo guuto Cabdiqaadir Shirre Faarax (Ereg)

Deeganada Maamulka P

untland waxaa dhawaanahaan kusoo badanayay dilalka loo geysto shaqsiyaadka Maamulkaas xilalka ka haya waxaa ugu dambeeyay dilkii loo geystay agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here