Aabe Muuse Xaaji oo dhalay Ala Ha U Naxariistee Maxamed Muuse Xaaji oo Maanta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Soomaliya ka codsaday in ay gacanta kusoo dhigto askarigii dilay Wiilkiisa oo ahaa Wade Mooto Bajaaj.
Waxa uu sheegay Aabe Muuse Xaaji in wiilkiisa lagu dilay Xarunta Dowladda Hoose xili uu soo bixiyay Lacag laga rabay, islamarkaana ilinka hore ee xarunta ay kuwada murmeen askari ka Tirsan dowladda Soomaliya.
“Wiilkayga waxa uu ahaa Bajaajle waxa uu aaday xarunta Dowladda Hoose halkaas ayuu kasoo goystay warqada Fasaxa todobaadka, isagoo bixiyay lacagihii laga rabay, markuu kasoo baxay xarunta ayaa waxaa ilinka hore ku qabtay askari ka tirsan kuwa Malatari dowladda Soomaliya lacag bixi ayay ku murmeen, intaas kadib wiilkayga madaxa ayaa laga toogtay”, ayuu yiri Aabe Muuse Xaaji.
Waxa uu ka Codsaday Dowladda Federaalka Soomaliya in ay gacanta kusoo dhigto askarigii ka dambeeyay dilka wiilkiisa, islamarkaana sharciga la horkeeno.

