Wararka ka imaanaya Koonfurta Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in Ciidamada Ahlusuna Waljameeca ay weerar xoogan ay ku qaadeen Saldhig Malatari oo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ay ku leeyihiin Halkaas.
Ciidamada Ahlusuna ayaa la sheegay in iska caabin kala kulmeen Ciidamo ka tirsan Kuwa Malatariga Xoogga Dalka Soomaliyeed ee halkaas ku sugnaa, balse waxaa u suurta gashay in ay gabi ahaanba ay la wareegaan Saldhiga Malatariga.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dashay weerarka ee soo kala gaaray Ciidamada Ahlusuna Waljmeeca iyo kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya, iyadoo laga cabsi qabo caawa in dagaal kale uu meesha ka dhaco.

