Ciidamada Amisom Oo Qof Shacab ah Ku Dilay Meel Ku Dhow Garoonka Aadan Cadde

0

Waxaa maanta ciidamada Amisom gaari ay leeyihiin uu qof shacab ah ku jiiray inta u dhaxeysa isgoyska Km4 iyo Garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa idaacadda Simba u sheegay in Gaari nuuca dagaalka oo ay leyihiin Ciidamada Amisom in Qof haweeney aheyd uu ku jiiray Afafka hore ee Gotel Jaziira ee Magaalada Mqudisho.

Gaariga haweeneyda jiiray ayaa la sheegay in gacanta kud higeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya waxana la sheegay in haweeneyda meydkeeda mardanbe goorta laga qaaday.

Ciidamada Amisom ayaa dhowr jeer dilal bareer ah oo isugu jiro xabad iyo gadiid ku dhibaateeyeen shacabka soomaaliyeed eek u nool deeganada ay ka howlgalaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here