Midowga Yurub oo Sheegay Inuu Sii Kordhinayo Howlgalka uu Ka Wado Soomaaliya

0

Kulan ay wada qaateen Wasiirada arimaha dibadda ee Midowga yurub  kaa oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belguim ayaa laga soo saaray in la sii kordhiyo howlgalada soomaaliya ay ka fuliyaan.

Howlgalada la’ kordhiyay oo kala ah howlgalada xoojinta rayidka(EUCAP) iyo Tababarida Ciidamda militiriga soomaaliya(EUTM) ayaa la sii wadi doonaa ilaa iyo 13 December 2018-ka oo ku ikaa sanadka 2017-ka.

War qoraal oo ka soo baxay Golaha Midowga yurub ayaa lagu sheegay in  ujeedooyinka  Midowga yurub   ay qeyb ka yihiin  xoojinta  howlgalada amaanka badda Soomaaliya iyo cirib tirida burcad badeedka xeebaha  Soomaliya, Iyaga oo dhanka kale sheegay in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Tababarida iyo dhisida Ciidamada qaranka Soomaaliyeed  oo lagu wareejinayo qalab casri ah.

Howlgalada ayaa la sheegay in uu jeedkuudu yahay in soomaaliya laga hormariyo xiriirka caalamiga iyo taageerida nidaamka siyaasada dalka,amniga,Horumarka,iyo gargaarka Bini-aadanimada ee ka jira Soomaaliya.

Midowga yurub ayaa sheegay in ay xoojin doonaan howlgaladooda ku aadan dhismaha Ciidamda Qaranka Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya saddex tiir oo kala ah: Tababaridda Ciidanka ,la socodkooda,iyo talo siin, waxaana ay ugu deeqeen 23 million oo Euro ah in lagu qarash gareeyo ciidanka 1 junuary 2017-ka-  ilaa iyo 31 December 2018-ka.

Ujeedada lacagahaan ayaa lagu sheegay in lagu taageerayo dowlada Federalka Soomaaliya, Wasaarada Difaaca iyo Hay’adaha amniga ee dalka.

Taliyaha howlgalkan lagu wareejiyay ayaa ah General morizio Morena oo u dhashay dalka Talyaaniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here