Wararka ka imaanaya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ay degmadaas ku qabteen rag lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen Madaafiic Xalay lagu weeraray degmadaasi.
Taliyaha Saldhiga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan Cali(Boorow) oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay In howlgal la sameeyay lagu qabtay rag lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen Madaafiicda xalay laga maqlay gudaha degmadaas.
Sidoo kale Taliyaha Saldhiga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan Cali(Boorow) ayaa tilmaamay in dadka lasoo qabtay ay haatan ku xiran yihiin saldhiga degmadaas, islamarkaana dhawaan maxkamadda lasoo taagi doono.
Xalay saqdii dhexe ayay aheyd markii Tiro Madaafiic ah lagu garaacay xarumaha Degmada Waajid ee Gobolka bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, mana jirto ilaa haatan cid sheegatay mas’uuliyada madaafiicdaas.

