Dowlada Kenya ayaa dafirtay sheegashada Xarakada Al shabaab ee ku aadan in ay qabsadeen deegaanka Ceel-waaq ee dhaca xuduuda dalka Kenya ee katirsan Goblka gedo.
Waxaana ay sheegeen in ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada soomaaliya ay maamulayaan deegaanka Ceel-waaq oo xuduud la wadaago dalka Kenya.
Gudoomiyaha magaalada mandera bernd nayakwark ayaa gabi ahaanba ka soo horjeestay sheegashada Xarakada Al shabaab oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen deegaankaasi balse waqti koobann kadib ay ka baxeen.

