Dowladda oo lagu eedeeyey inay dayacday Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo+Dhageyso

0

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya ee Gobolka Gedo ee Koonfur dalka Sooamliya ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya in ay dayacday Ciidamada ee  deeganada ku sugan.

Korneel Warfaa Shiikh oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan Gobolka gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan la tixgalinin Ciidamada  dowladda islamarkaana aysan helin xaqii ay ku lahaayeen dowladda Dhexe ee Soomaliya.

“Al-shabaab way soo galaan degmada Ceel-waaq wayna ka baxaan markii ay rabaan sababtoo ah  ma joogaan Ciidamo tayo wanaagsan oo iska caabiya kuwa shabaab, Ciidamada ku sugan degmada waa kuwa la dayacay oo aan helin xaqii ay lahaayeen, dowladda dhexe waxaan ugu baqayaa in ay tayeyso Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan Gedo’, ayuu yiri Korneel Warfaa Shiikh.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Ciidamada Al-shabaab ay shalay la wareegeen degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee koonfur dalka Soomaliya iskastoo ay isaga baxeyn waabirigii hore ee saakay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here