Gudoomiye Ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka oo Kamid Noqotay Xubnaha Aqalka Hoose

0

Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland waxaa lagu doortay Xubno kamid noqonaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulkas.

Xubnaha maanta guuleystay ee kamid noqday aqalka Hoose baarlamanka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Puntland  waxaa kamid ah Gudoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaliya Marwo Canab Xasan Cilmi.

Qaabka ay Doorashada u Dhacday

Kursiga 34-aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka hoose oo ah kursiga Dhulbahante/Reer Khaalid, waxaa ku guulaystay Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48cod, halka Axmed Ibraahim Cawaale ( oo aan xarunta joogin) uu helay 2cod, waxaa xumaaday 1cod.

Kursiga 33-aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka hoose oo ah kursiga Dhulbahante/Jaamac Siyaad, waxaa ku guulaysatay Canab Xasan Cilmi oo heshay 45cod, Ifraax Nuur Maxamed waxay heshay 4cod, 1 codna waa  uu xumaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here