Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ee roondooyinka ayaa sheegay in ay dileen afar ruux oo looga shakiyay in ay xiriir la lahaayeen dagaalyahanada Xarakada Al shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Col. Poul njaugna ayaa sheegay kuwa kale oo kamid ahaa dagaalyahanada xarakada al shabaab oo ku sugnaa deegaanka Haluuqa ee dhaca waqooyi bari dalka Kenya in ay kabaxsadeen kadib howlgalo deegaankaasi ay kasameeyeen.
Xarakada Al-shabaab ayaa wacad ku martay in ay cawaaqibo xumo ay la kulmi doonaan dowlada kenya kadib markii dhamaadkii sanadkii 2011-kii dowlada Kenya ay soomaaliya u soo dirtay ciidamadeeda.
Al shabab ayaa fuliyay in kabadan 100 weerar oo ka dhacay dalka Kenya tan iyo sanadkii 2011-kii, waxaana weeraradaasi kamid ahaa weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga westigate mall oo dhacay sanadii 2013-kii oo ay ku dhinteen 67 qofood iyo weerarkii 2015-kii lagu qaaday jaamacada gaarisa oo 148 qof oo u badnaa arday sidoo kale ku dhinteen.
Hay’adaha amaanka dowlada Kenya ayaa joojiyay weerarada ay ku qaadi jireen xuduuda soomaaliya la wadaagto kenya waxaana ciidamada kenyanka lagu eedeeyay in ay ku kacaan falal lido ku ah arimaha xuquuqul aadanaha.

