Burcad Badeed Soomaliyeed oo Laga Sii Daayay Xabsi Ku Yaala Jasiiradda Seychelles     

0

Maxkamadd ku taala Jasiiradda Seychelles ayaa amar ku bixisay in lasii daayo 5-muwaadiniin  Soomaliyeed oo ku eedeysnaa falal burcad badeednimo, halka sidoo kale  maxkamadda ay dib u dhigtay  racfaan ay qaadan lahaayeen 8-kale oo Soomali ah oo ku eedeysnaa falal  burcad badeednimo.

Racfaanka ay qaateen muwaadiniintaan Soomaliga ah ayaa imaanaya  xili bishii June  tt Sanadkaan 2016-ka ay Maxakamadda sare ee dalkaas ay ku riday xukuno xabsi oo gaaraya 12-sano, kadib markii lasoo qabtay iyagoo ku guda jira falal burcad badeednimo.

5-ta Muwaaadin ayaa horey waxaa loogu eedeeyay in ay weerar ku qaadeen Markab Ganacsi oo laga leeyahay dalka India, balse waxaa ka badbaadiyay Ciidamada ilaalada Faransiiska oo durbadiiba usoo gurmaday Markabka weerarka lagu qaaday.

Dhanka kale Garsooraha Maxkamadda Jasiiradda Seychelles Anthony Fernnado, ayaa si deg deg ah u amray in muwaadiniintaan Soomaliyeed dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo kadib markii lagu waayay wax dambi ah

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here