Ajaanib Lagu Qabtay Dagaalkii Ka Dhacay Degmada Qandala ee Gobolka Bari

0

Taliska Ciidamada Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ajaanib ah oo ka barbar dagaalamayay dagaalyahanada Daacish-ta Soomaliya ee laga saaray Todobaadkii hore  degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca Maamulka Puntland General Saciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa warbaahinta u sheegay inay Maamulka Puntland gacanta ku hayo  ajaanib lagu qabtay howlgalkii dagaalyahanada Daacish-ta Soomaliya  loogu saaray Degmada Qandala ee Gobolka Bari ee Puntland.

General Saciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland  ayaa sidoo kale sheegay inla hayo cadeymo badan oo ay saraakiisha amniga gobolka Bari saxaafada usoo bandhigi doonan natiijadii kasoo baxday  dagaalkii dagaalyahanada Daacish loogu saaray degmada Qandala oo muddo ay ku sugnaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here