Madaxweynaha Soomaliya oo Maanta Tagaya Magaalada Kismaayo

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu Gaaro Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land.

Socdaalkaan oo aan horey loosii shaacin ayaa lagu waramayaa in uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka dalka soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka, iyo ololaha uu mar kale ugu jiro Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  inuu ku soo laabto kursiga Madaxtinimada.

Safarka Madaxweynaha  Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa jawaab u ah safar uu jimcihii la soo dhaafay ku tagay Kismaayo Raisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ah Musharaxa ay xilligan sida aadka ah ugu loolamayaan doorashada, islamarkaan kismaayo ka sheegay In loo baahan yahay hogaan cusub.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha la kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadli doono hirgelinta doorashooyinka, iyo sidii uu u saxiixi lahaa liiska Xildhibaanada labada aqal oo uu maalin ka hor shuruud ku xiray in aanu saxiixeyn, iyadoo aan la xalin tabashada Puntland.

Intuu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu kulamo la qaadan doonaa Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland, kuwaasoo oo hadda dagan goob cayiman oo kismaayo ku taala.

Xildhibaanada labada Aqal ee ka imaanaya Jubbaland oo ah 51 Xildhibaan ayaa loolanka ugu adag ay ugu jiraan Musharaxiinta sidii ay codkooda u heli lahaayeen, waxaana marka laga soo tago xubnaha ka imaanaya Koofur Galbeed iyo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ay yihiin maamulka saddexaad ee go’aamin kara natiijada doorashada Madaxweynaha, cododkaasna cida hesha inay xaqiijin karto xilka Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here