Ciidamada Puntland oo La Wareegay Degmada Qandala ee Gobolka Bari

0

Wararka ka imaanaya Degmada Qandala ee Gobolka bari  ee Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in Ciidamada maamulka Puntland oo aad u hubeysan In ay dagaal kula wareegeen  degmada oo dhowrkii cisho aynu soo dhaafnay ay gacanta ku hayeen dagaalyahanada kooxda Daacish-ta Soomaliya.

Ilo lagu  kalsoonaan karo ayaa idaacadda simba  ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in Ciidamada Puntland in duhurnimadii maanta ay gudaha u galeen degmada Qandala inkastoo dagaal toos ah ay kala kuleen dagaalyahanada kooxda daacish-ta Soomaliya.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka kooban oo gudaha degmada Qandala ka dhacay kaasi oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish-ta Soomaliya oo bishii aynu soo dhaafnay la wareegay.

Guddoomiyaha gobolka Bari ee puntland Yuusuf Maxamed Wacays Dhaddo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii shalay ku dhexmaray  ciidamada Puntland iyo daacish meel 50km u jirta degmada Qandala oo ay ku dileen 7 kamid ah Daacish.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here