Dowladda jabuuti ayaa sheegtay in Dowladda Sacuudi Carabia ay xiligaan qorshaynanyso in Saldhig Malatari ay ka furato dalkeeda, xili Sacuudiga uu hogaamiyo isbahaysiga dagaalka kula jiro kooxaha Xuutiyiinta dalka yemen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo Wareysi siiyay wargeyska laga leeyahay dalka Saudi Carabia Asharq al-Awsat oo la sii daayay axadii maanta ah ayaa soo dhaweeyay hindisaha, isagoo xaqiijiyay in madaxda ciidamada Saudi Arabia ay sameeyeen dhowr safar oo baaritaan ah dalkaasi Jabuuti si ay u soo indha indheeyaan aasaaska xarunta malatari
Wadahadalada ayaa dhexmaray madaxda labada dal ee ku saabsan qorshaha iyo heshiiska istiraatiiji ah ee ammaanka oo qabyo ah la diyaariyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sidaas sheegay isagoo carabka ku adkeeyay in heshiis la saxiixi doonaa sida ugu dhakhsaha badan labada dal.
Dalka Jabuuti ee qaarada Afrika waxaa xiligaan Saldhigyo Malatari ku leh dalal badan, dowladda Sacuudiga ayaa doonaysa in ay weeraro dhanka cirka ah ay kaga qaado kooxaha Xuutiyiinta dalka yemen.

