Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federal ayaa xiligaan ku qancinaya Maamul Goboleedka Puntland in si shuruud la’aan ah uu kaga qaeyb qaato doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.
Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa goordhaweyd kasoo duulay Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland iyagoo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya si ay ula kulmaan Madaxda Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federal.
Kulanka dhexmari doona Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey iyo madaxda Guddiga doorashooyinka ayaa loogu hadlayaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka Puntland islamarkaana si sharuud ah ugu qeyb qaataan doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

