Hub Ka Dhigis Qasab ah oo Lagu Bilaabay Qabaa’illada Somalida ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya

0

Ciidamada Booliska Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya  ayaa hub ka dhigis qasab ah ku bilaabay qabaa’illada Somalida gaar ahaan dadka deggan xadka  wadamada Somaliya iyo Kenya u dhaxeeya.

Iskuduwaha gobolka Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya  Mohamud Saleh oo warbaahinta  la hadlay ayaa sheegay in ujeedka loogu gol leeyahay hub ka dhigista uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka Gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya.

“Hub ka dhigista lagu sameenayo qabaailka Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ujeedka loogu dan leeyahay waa in la xaqiijiyaa amaanka Gobolka oo mudooyinkii dambe ay ka dhaceen falal amnidaro”, ayuu yiri Mohamud Saleh.

Magaalooyinka Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya waxaa mudooyinkii dambe ka dhacayay falal amniga lidi ku ah waxaa intooda sheegtay Xarakada Al-shabaab oo soomaliya ka dagaalanta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here