Cabsi Soo Wajahday Soomalida Ku Nool Gobolka Ohio Kadib Weerarkii Ka Dhacay Gobolkaas

0

Cabsi badan ayaa xiligaan soo wajahday Soomaalida ku nool dalka Maraykanka oo ku aadan in ay bartilmaameed u noqdaan kooxaha muslimka neceb ee ku nool dalkaas, ka dib markii tiro badan oo ka mid ah dhalinyarada soomaalida ay ka qayb qaateen sababaha jihaadiga.

Kadib weerarkii ka dhacay  jaamacada Ohio State University ee Gobolkaas oo uu geystay wiilka Soomali Mareykan ah waxaa soo badanayay cabsida ay qabaan soomalida halkaas kadib markii weerarkii uu geystay C/risaaq Cartan uu noqday midka ugu hadal heynta badan dalka Mareykanka.

Qoraal uu dhigay barta Facebook weerarka ka hor, sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka, ayaa waxa uu hanjabaad dheer uga tagay gaalada ” isagoo ugu baaqay Muslimiinta in ay dhagaystaan erayadii sheikh Anwar al-Awlaki, oo u dhashay Mareykanka-kana mid ah Al-Qaeda kaasoo ku dhiiri galiyay dhalinyaro badan sababta jihaadiga.

Maalintii talaadada, warbaahinta-xiriirka la leh argagaxisada ayaa oogu yeeray Cartan “askari” ka mid ah kooxda Islamic State. Weerarka Cartan ayaa yimid laba bilood ka dib markii wiil kale oo Soomaali ah oo 22-sano jir ah sagaal qof ku dhaawacay weerar mindi ah suuqa St. Cloud, ee Minnesota.

Sidoo kale laba todobaad oo kaliya ka hor, sagaal dhallinyaro Soomaali ah ayaa lagu xukumay xabsiyo muddo dheer ka dib markii lagu xiray sanadkii 2014 Minneapolis iyagoo qorsheynaya inay u safraan Syria si ay ugu biiraan kooxda ISIS.

Tan iyo sanadkii 2007 ilaa 2009-kii qaar ka mid ah 20 dhalinyaro Soomalia ah ayaa kusoo laabtay dalkooda hooyo  si ay ugu biiraan Xarakada Al-Shabab , oo Soomaliya ka dagaalanta,waxaa sidoo kale jirey dhalinyaro kale oo ku biiray kooxda Daacish ee ka dagaalanta Syria iyo Ciraaq.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here