Taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed Ismaaciil Daahir Cismaan oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira eedeemo loo jeediyay Ciidamada Nabad Sugida.
Ugu Horeyntii Ismaaciil Daahir Cismaan Taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Ciidamada Nabad Sugida ay xireen Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed oo kamid ah salaadiinta Gobolada Woqooyi Soomaliya kadib amar ay ka heleen Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya.
Dhanka kale Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed oo kamid ah Salaadiinta Gobolada Woqooyi ee Soomaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in been abuur tahay in hay’adda Nabad sugida ku xirtay magaalada Muqdisho.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar c/rashiid Cali Sharmarke warqad uu soo saaray ku amray Hay’adaha amniga in ay faraha kala baxaan arrimaha Doorashooyinka Gobolada Woqooyi ee Soomaliya.

