Weeraradii Al-shabaab ay Ka Geysan Jireen Kenya oo Hoos u Dhacay & Kenya oo Ka Hadashay

0

Dowladda Kenya ayaa mar kale ku celisay in ay hoos u dhaceen weeraradii Xarakada Al-shabaab ay ka geysan jireen gudaha dalkaas oo laga xusi karo xasuuqii suuqa Westgate si naxariis dara ahaa dadka dukaameeysanayay loogu laayay, iyo ardayda ay ku gowraceen jaamacadda degmada gaarisa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Inkastoo dowladda Kenya aysan ilaawi Karin weerarkii  Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Gobolka  Gedo halkaas oo lagu dilay tiro badan oo ka tirsan Askarta dalkaas, ayaa Kenya hadana waxa ay aaminsan tahay in hoos loo dhigay weeraradii Xarakada Al-shabaab.

Uruurinta xogta iyo tirakoobka Argagixisada caalamiga ayaa muujinaya in weerarrada argagixiso la dhimay in ka badan saddex meelood sanadkii 2015-ka marka la fiiriyo sanadkii ka horeeyay.

Xarunta ka Hortagga Argagixisada Kenya (NCTC) ayaa sheegtay in weerarada ay hoos u dhaceen si dheeraad ah gaar ahaan sannadkaan 2016-ka,  iyagoo Badankood ka dhacaya magaalooyinka xudduuda la waadaga Soomaaliya, ugu yaraan 1,007 qof oo Kenyan ah ayaa lagu dilay weerarada Al-shabaab intii u dhexeeysa 2008 iyo October ee sanadkan.

Intii u dhaxaysay sanadkii 2008 iyo July 2015, Kenya ayaa waxaa ka dhacay 340 weeraro oo ay soo maleegeen Al-shabaab gudaha iyo kuwa caalamiga, 986 dhimasho ah iyo ugu yaraan 1,520 dhaawacyo, sida laga soo xiganayo kooxda caalamiga ee ka hortaga iyo baarida ee ku saleysan Mareykanka .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here