Galmudug oo Dowladda iyo Beesha Caalamka Ka Codsaday in Laga Gacan Siiyo La Dagaalanka Al-Shabaab+Dhageyso

0

Afhayeenka Maamul Gobaleedka Galmudug C/laahi Xaashi Faarax (Roobda’ay) oo la hadlay Idaacada Simba ayaa  dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ku eedeeyey inay Dhibaatooyin aan kala sooc la hayn ay ugeysteen dadka shacabka ah deegaanka Dumaay oo hoostaga degmada xarar-dheere ee koofurta Gobalka Mudug halkaas oo maalmihiin danbe ay ka jirtay Xiisad Dagaal oo u Dhexesay Dadka Deegaanka iyo Al-shabaab

Roobda’ay ayaa xusay in Al-shabaab ay dab qabad siiyeen dhamaan Guryihii ay la haayeen dadka Reer Guuraaga ah ee deegaanka Dumaay kuwaasi oo wajahaya hada oonka iyo Haraadka Abaarta ka jirta Deegaanada Gobalada Dhexe iyo Dagaalka Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka Galmudug oo sii hadlayey ayaa tilmaamay dhibaatooyinka Al-shabaab ay ku hayaan Dadka Deegaanka ay yihiin wax fool xun oo aan indhaha laga qarsan Karin waxa uuna intaa ku daray in maamulka Galmudug uu soo Dhawaynayo tilaabo walba Shacabka Galmudug ay iskaga Difaacayaan Cadow kasta oo ku doo duulaa Sharaftooda,isla markaana Galmudug ay garab taagan tahay Shacabka iskood isku abaabulay ee ka Go’an inay Al-shabaab kula dagaalamaan deegaanka Dumaay ee Koonfurta Gobalka Mudug oo aan sidaa uga Fogeyn Deegamada Saaran Bad-weynta Hiindiya (indian ocean) ee Xarar-Dheere.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here