Garoonka Diyaarada Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi oo Xiran Maalintii Labaad

0

Sida lagu daabacay Wakaalada wararka ee Reuters garoonka  diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta ayaa weli xiran kadib markii maalintii shalay oo Axad aheed la xiray Garoonkaas kadib markii ay si kedis ah ugu degtay diyaarada la sheegay in ka tagtay Somalia.

Diyaaradaan oo ay saarnaayeen 4 qof ayaa si lama filaan ah u caga dhigatay garoonka Jomo Kenyatta,majiraan  Wax qasaara ah oo ka dhashay balse garoonka ayaa la sheegay in si ku meelgaar ah loo xiray,sida maamulka Garoonka uu ku shaaciyay barta Twitter-ka.

Dulimaadyadii kasoo degilahaa iyo kuwii ka duulilahaa Garoonka ayaa loo weeciyay garoomada kale ee dalka Kenya,inkastoo aan la sheegin marka dib loo soo celinayo shaqada garoonka Jomo Kenyatta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here