Dowlada wadanka Uganda ayaa soo dhaweeysay Taagerida Dowlada shiinaha ay siineyso ciidamada Midowga Africa amisom ee soomaliya ku sugan kuwasoo Dagaalo kula Jira al-shabaab
Madaxa Difaaca Ciidamada Uganda Gen. Katumba Wamala oo wareysi siiyay wakaalada wararka shiinaha ka soo Baxda ee Xinhua ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan Taagerida dowlada wadanka shiiinaha ay siineyso Taliska amisom ee soomaliya
Madaxweynaha Wadanka Shiinaha Xi Jinping oo todobaadkaan saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in dowladiisa ay Diyaar u tahay Taageerida ciidamada Midowga Africa ee amisom ee ku sugan Gudaha wadanka soomaliya
Dowlada shiinaha ayaa Todobaadkii Hore sheegtay in ay Maalaayiin ku Bixin doonto Taageerida ciidamada Midowga Africa ee amisom ee soomaliya ku sugan iyadoona dowlada shiinaha sidoo kale Bixin doonto qalabka loogu Talagalay ciidamada sida Gaadiidka dagaalka

