Dowlada Uganda oo Soo Dhaweysay Taageerida  Shiinaha ay siineyso Taliska Amisom ee Soomaliya

0

Dowlada wadanka Uganda ayaa soo dhaweeysay Taagerida Dowlada shiinaha ay siineyso ciidamada Midowga Africa  amisom  ee soomaliya ku sugan kuwasoo Dagaalo kula Jira al-shabaab

Madaxa Difaaca Ciidamada Uganda Gen. Katumba Wamala  oo wareysi siiyay wakaalada wararka shiinaha ka soo Baxda ee Xinhua ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan Taagerida dowlada wadanka shiiinaha ay siineyso Taliska amisom ee soomaliya

Madaxweynaha Wadanka Shiinaha Xi Jinping oo todobaadkaan saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in dowladiisa ay Diyaar u tahay Taageerida ciidamada Midowga Africa ee amisom ee ku sugan Gudaha wadanka soomaliya

Dowlada shiinaha ayaa Todobaadkii Hore sheegtay in ay Maalaayiin  ku Bixin doonto Taageerida ciidamada Midowga Africa ee amisom  ee soomaliya ku sugan iyadoona dowlada shiinaha sidoo kale Bixin doonto qalabka loogu Talagalay ciidamada sida Gaadiidka dagaalka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here