Wararka ka imaanaya magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug ayaa ku waramaya in ciidamo hubeysan kuna tirsan ciidanka Danab in lagu arkay qeybo kamid ah magaalada.
Ciidamada gaaraya magaalada ayaa la sheegay in qaarkooda diyaarad ay ku tageen magaalada,waxana la xaqiijiyay in ciidamada tegitaankooda uu amray ra’usl wasaaraha soomaaliya cumar c/rashiid cali sharmake.
Ciidamadan danab ayaa logu tala galay in ay xaqiijiyaan amaanka magaalada islamarkaana ay dhex dhexaad ka noqdaan maamulada galmudug iyo puntland oo isku hayo magaalada.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka mudug Cabdi Xussen Maxamed ayaa idaacadda simba u sheegay in ciidamadaan ay yihiin kuwo aan ku filneen magaalada balse waxa uu tilmaamay in amarka ra’isul wasaaraha ay ku gaareen magaalada.

