Dhageyso:- Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Mudeeyay Xiliga la Soo Magacaabayo Golaha Wasiirada Cusub

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre oo shir gudoominayay kulan ay xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi ku yeesheen magaaalada jowhar ayaa waxa uu sheegay in waqti cayiman logu daray madaxweynaha maamulka hirshabeelle Cali C/laahi cosoble in uu ku soo magacaabo golihiisa wasiirada cuusb.

Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in mudo ku siman hal bil loo qabtay madaxweynaha hirshabeelle in uu ku soo dhiso golaha wasiirada cusub ee hirshabeelle si ay u anba qaadaan howlaha maamulka horyaala.

Madaxweynaha maamulka hirshabeelle ayaa wado kulamo uu la leeyahay siyaasiin iyo odayaal dhaqameed isagoona wada sidoo kale xulitaanka xubnihi ka dhex muuqaan laha golihiisa wasiirada cusub.

Dhinaca kale Gudoomiyaha baarlamanka hirsahbeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in ay aad kaga xun yihiin dagaalada ka soo cusboonaaday goboka hiiraan gaar ahaan duleedka magaalada b/weyn.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here