Wararka ka imaanaya duleedka magaalada baladweyn ee gobolka hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka qarxay deegaank qiyaasti 6-km u jiro magaalada baladweyne.
Dagaalka oo ah mid u dhaxeeyo maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa waxa uu geystay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadi dagaalamayay.
Dhawaqa risaasta ayaa laga maqlayaa xaafada howlwadaag iyadoona dagaalka uu si gaar ah kaga socdo dhinaca galbeed ee magaalada baladweyne.
Dad dhaawacyo kala duwan qaba ayaa lagaarsiiyay isbitaalka magaalada baladweyne mana jirto ilaa hada cid kala dhex gashay dhinacyada dagaalka uu u dhaxeeyo.
Maamulka gobolka hiiraan weli kuma uusan guuleysan hakinta dagaalka ka socdo deegaano hoosyimaado magaalada baladweyne.

