Waxaa si lama filaan ah magaalada muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee aadan cadde lagu arkay in Madaxweyne Kuxigeenka Koofurta Suudaan Riek Machar , waxana la xaqiijiyay in ay la socoto xaaskiisa.
Dad ku sugan garoonka aadan cadde ayaa xaqiijiyay in garoonka aadan cadde ay ka soo dageen Riek Machar iyo caruur la socotay islamarkana ay gacmaha ka heysay carruurta xaaskiisa.
Warar ay qorayaan warbaahinta wadanka koonfurta suudaan waxa ay ku baahiyeen in madaxweyne ku xigeenka wadanka koonfurta suudaa uu joogo magaalada muqdisho.
Dowlada soomaaliya weli kama aysan hadlin arinkaani,balse, Riek Machar ayaa lagu eedeyay in dambiyo dagaal uu geystay waxaana wadamo itoobiya iyo Kenya ay kamid yihiin ay u diideen in ay siiyaan magan galyo siyaasadeed.

