Waxaa shaley Magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya iyadoona xildhibaanki ugu danbeeyay ee matalihi deeganada jubaland lagu soo doortay magaaladaasi.
Afhayeenka guddiga doorashooyinka jubaland Maxamed Yuusuf Indho sheel oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegy in si fudud oo aan isqab qabsi badan laheyn ay ku soo afmeereen doorashooyinka aqalka hoose.
Afhayeenka ayaa sheegay in aysan jirin musuq maasuq hareeyay doorashada waxana uu tilmaamay in arrimahaasi ka hortag badan ay ku saameeyeen.
Dhinac kale Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in howshi guddiga ay soo idlaatay balse haatan ay diyaarinayaan waxbixino la xariiro qaabki doorashada ay kaga dhacday Kismaayo.
Deeganada Jubaland waxaa laga soo xulay xildhibaano gaaraya 43 mudane kuwaa oo kamid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya.

