Dhageyso:- Hanti Dhowraha Qaranka “Lacagaha Dowladda ayaa Lagu Masuq Maasuqayaa Doorashooyinka”

0

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr,Nuur Faarax ayaa sheegay in Shaqsiyaad ka shaqeeya Xafiisyada Dowladda ay qeyb ka yihiin Msuq Maasuq hareeyay Doorashooyinka aqalka hoose.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in gadiidka dowlada iyo lacagaha dowlada intaba in ay shaqsiyaad ku bixinayaan tartanadooda musharaxnimo.

Dr,Nuur ayaa waxa uu sidoo kale sheegay  in ay jiraan cabashooyin badan oo soo gaaray xafiiskooda kuwaa oo ku saleysan doorashooyinka aqalka hoose ee ka soconayo meelo badan oo kamid ah dalka.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr,Nuur Faarax ayaa waxa uu sheegay dacwadaha la xariiro musuq maasuqa ay u gudbiyeen beesha caalamka isagoona tilmaamay in durbaba arinka wax laga qabtay oo maalmihii la soo dhaafay isqab qabsi ama musuqmaasuq muuqanayo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here