Xarakada Al-shaabab oo War Kasoo Saartay Sarkaal Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

War rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al-shabaab  ayaa lagu sheegtay  mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay sarkaal la sheegay in uu kamid ah saraakiil tababar lagu soo siiyay wadanka Imaaraadka Carabta.

Al Shabaab waxay sheegtay in sarkaalkan ladilay uu tababar kusoo qaatay wadanka imaaraadka Carabta, islamarkaana uu kujiray liiska saraakiisha sida aadka ah ay u doon doonayeen Ciidamada Al-shabaab qeybta ka howlgasha Gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Maana-Booliyo lagu xaqiijiyay hadafkii laga lahaa, dowladda Imaaraadka Carabta ee uu u shaqeynayay sarkaakaan la khaarijiyay ayaa faragelin dhan walba ah ku haysa dalka Soomaaliya ayaa lagu yiri warka Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here