Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee Soomaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed oo maalmihii ugu dambeeyay kulan kulahaa Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo Xarakada Al-shabaab loogu saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaliya.
Kulan oo soconayay muddo 3-bari ah ayaa waxaa shir gudoominayay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh,waxaana ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidamad AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo uu kamid yahay Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Gen. Ali Bashi Mohamed.
“Waa in aynu si aad ah u qorsheynaa islamarkaana aan la imaanaa qorshe cad oo Al-shabaab looga saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomali”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh
Dhanka kale Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Gen. Ali Bashi Mohamed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in iskaashiga ka dhaxeeya AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed uu keenay in Xarakada Al-shabaab laga saaro meelo badan oo Gobolada dalka ah.
“Waxaan ku heshiinay in aan si dhow iskula shaqeeno oo aan ciribtirrno cadowga dalka,inkaashiga xiligaan ka dhaxeeya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed waa midkii ugu wanaagsan”, ayuu yiri Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Gen. Ali Bashi Mohamed.








