Qorshe Al-shabaab Loogu Saarayo Gobolada Ay ku Sugan Yihiin oo Lagu Heshiiyay+Sawirro

0

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee Soomaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed oo maalmihii ugu dambeeyay kulan kulahaa Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay  qorshe cusub oo Xarakada Al-shabaab loogu saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaliya.

Kulan oo soconayay  muddo 3-bari ah ayaa waxaa shir gudoominayay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh,waxaana ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidamad AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo uu kamid yahay Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Gen. Ali Bashi Mohamed.

“Waa in aynu si aad ah u qorsheynaa islamarkaana aan la imaanaa qorshe cad oo Al-shabaab looga saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomali”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh

Dhanka kale Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Gen. Ali Bashi Mohamed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in iskaashiga ka dhaxeeya AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed uu keenay in Xarakada Al-shabaab laga saaro meelo badan oo Gobolada dalka ah.

“Waxaan ku heshiinay in aan si dhow iskula shaqeeno oo aan ciribtirrno cadowga dalka,inkaashiga xiligaan ka dhaxeeya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed waa midkii ugu wanaagsan”, ayuu yiri Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Gen. Ali Bashi Mohamed.

30826119370_edea10f0d5_n 31049715322_cd5033b5b4_m 31157480436_98d10596eb_m 31157486256_4572528f0c_n 31157488506_34d0e57a67_m 31193191045_f04d14c3a1_m 31193197205_3ec17a2ea2_m

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here