Dad Gaaraya 10 Qof oo u Dhintay Abaaraha ka Jiro Gobolada Sool iyo Sanaag

0

Waxaa maalmihi la soo dhaafay gobolada sanaag iyo Sool ku dhintay dad gaaraya 10 qof oo las heegay in ay saameysay abaaraha ka jiro goboladaasi.

Abshir C/casiis oo kamid ah mas’uulyinta Maamulka Khaatumo oo la hadlay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dad da’doodu ay weyn tahay ay ku dhinteen gobolada sool iyo sanaag kadib marki dadkaasi ay waayeen wax ay cunaan iyo biyo ay cabaan.

Abshir ayaa hadalkiisa intaasi ku sii daray in abaarta ay salfatay sidoo kale xoolo badan oo uu tilmaamay in ay ku baaba’een gobolada sool iyo sanaag.

Abaaraha ka jiro gobolada sool iyo sanaag ayaa waxa ay saameyn badan ku yeesheen nolasha dad badan oo xoolo dhaqato u badan mana jiraan ha’yado gar gaar oo dadkaasi caawiyo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here