Madaxweynaha Puntland oo Isbitaalka Gaalkacyo ku Booqday Dadkii Shacabka ahaa ee ku Dhaawacmay Dagaalada+Sawirro

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 Nov, 2016 wuxuu Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Cisbitaalka GMC ku booqday dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha waxaa booqashada uu ugu tagay dadkii dhaawacmay ku weheliyey masuuliyiin kamid ah golayaasha Puntland, dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada  Puntland.

Dadka dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii magaalada Gaalkacayo ee u danbeeyey ayaa qaba dhaawacyo fudud oo dalka wax looga qaban karo, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Galkacayo Mecical Center “GMC”, waxaana bahda caafimadku ay dedaal dheer u galeen sidii loo daweyn lahaa dadka ku dhawaacmay dagaalada Gaalkacayo iyagoo inta badan ku guulaystay inay daweeyaan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib kulan la qaatay masuuliyiinta iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacayo, waxaana uu Madaxweynuhu ka waraystay xaaladda dadka shacabka ah ee ku wax yeeloobey dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo, sidoo kale waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka gudiga dib u dhiska Cusbitaalka Guud ee Gaalkacayo waxayna dhankooda ka xog warameen meesha ay wax u marayaan iyo waxyaalaha uga qabsoomay dib u dhiska Cisbitaalka..

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in hawlwadeenada cubitaalka Gaalkacayo iyo Cisbitaalka GMC ay si wanaagsan ugu heelan yihiin u adeegidda shacabka gaar ahaan dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen dagaaladaasi ee ay xaaladooda caafimad gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha  Puntland ayaa dhakhaatiirta caafimaadka ee Gobolka Mudug ku amaanay sida wanaagsan ee ay shacabka ugu dedaalayaan wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dagaalada, sidoo kale Madaxweynaha ayaa cafimaad u rajeeyey dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

img_9357 img_9369 img_9374 img_9376 img_9378 img_9383 img_9399-1 img_9419 img_9477 img_9486 img_9526

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here